Taageerayaasha Faroole oo lagu amray in ay isaga baxaan Qardho Published on January 1, 2013   ·   2 Comments

qardhoKulan balaaran oo saakay abaare 8:00 am subaxnimo ka bilowday Magaaladda Qardho ayaa 2:30 Pm duhurnimo soo dhammaaday, kulankaasi oo looga hadlay arimo badan oo ku saabsan marxalada adag oo ay mareyso Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore Puntland Gen.Cadde Muuse,Musharax Cabdilaahi Siciid Samatar iyo weliba Odayaasha degaanka, wafdi ka socday Xukumadda Faroole oo uu hogaaminayo Gen. Yuusuf Axmed Kheyr.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayey xaaladaha ka jira magaaladda Qardho, iyadda oo shirka uu noqday mid inta badan leysku raacay in Faroole uu yahay Madaxweynaha Puntland illa 8-January-2013, wixii ka dambeeyay in uusan matalin shacabka Puntland.

Odayaasha,Waxgaradka iyo Isimadda ka qeyb galay shirka ayaa sheegay in ay muhiimad weyn siinayaan in la ilaaliyo amniga Puntland, Faroole iyo taageerayaashiisana loo sheegayo in aysan dalka khal khalgelin, laakiin ay u harsan tahay 7 Cisho oo keliya, wixii wakhtigaasi ka dambeeynaa lagu balamay in la sameeyo Maamul ku meel gaar ah.

Shirkaan ayaa waxaa dhanka kalena  odayaasha degaanka ay mar kale ku celiyeen in ay magaaladda isaga baxaan ragga Farole wakiiladda ka ah ee magaaladda ku sugan kuwaas oo loo arkay in ay yihiin kuwa aan matalin shacabka Qardho iyo Puntland ,balse doonaya oo keliya in ay dalka khal khal geliyaan amnigiisa.

dhanka kalena waxaa isla markii uu shirka dhammaaday magaaladda isaga amba baxay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse oo u socdaalay dhanka iyo Caasimadda Puntland ee Garowe, isaga oo sidoo kalena la filayo in uu u sii gudbo magaalooyin kale oo Puntland ka tirsan.

Waxaa shacabka Puntland isku raaceen in faroole uu yahay nin dhibta ugu weyn ku haya Puntand, kaasi oo ku dambeyn doona halkii uu maray Qadaafi iyo caruurtiisa, maadama uusan Faroole aheyn nin la fahmayo waxa uu doonayo.

Puntlandpress

Qardho

Readers Comments (2)
  1. Mimi says:

    Faroole inuu waalanyahay wax shaki ah oo u jira majiro cid qabsatana mahaysto, Reer puntland waa dad wada dhashay oo is ah , mana awoodu inuu iska horkeeno , waxaa lala tiigsanaya sharciga PL iyo kan caalamiga ah labadaba.
    Puntland ha noolaato wixii khalkhal iyo amni daro wada Allah haka qabto.

  2. Najma Naji says:

    madaxawayna faroole 4 tii sano oo uu haysitay putnland hoos ayay u dhacaday kamana yeelayno dib dhaca iyo burbur danbe sababata oo ah xil ayaa naga saaran dadakayaga iyo dalkabayaga reer putnland.sababaha aanan ugu ogalaanaynna wxaa weeye:-
    - Xilkii lagu aaminay oo ahaa Dowlad, Baarlamaan iyo dhaqaale ayuu rabaa in uu u bedelo waxa uu ku tilmaamay Xisbigiisa in ay ka wada tirsan yihiin, dhaqaalihiina in uu u adeegsado dantiisa gaarka ah, taasoo aan ka gedmaynin reer Puntaland.

    -In uu ka been sheegay Dastuurkii uu u dhaartay oo si uu awrkiisa ugu kacsado yiri meeshii Afarta sano ahayd waa shan sano, waa wax aan Adduunka ka dhicin.

    -In uu karaamadii ka qaaday Isimadii iyo shacabkii doortay shalay xilka uu hayo diyaariyey oo dilay, xiray tarxiilayna, taas oo foolxumo iyo ceeb Gobolka ku noqonaysa haddii loo sii saamaxo in uu saas wax ku sii wado.

    Marka sidaas awgeed, ha ka dego yuusan
    dhib ummaddaan u keenin iskuna dhajin kursiga, taas oo uga eg 8/1/2013.





Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Puntlandpress.net
Somali News
Faroole-Radio

Radio Faroole Mise Radio Puntland? Cabashooyin kala Duwan Oo kasoo baxaya Wariyeyaasha Madaxa Banaan ee Puntland.

Cabashooyinka Kala duwan oo Cod dheer nagu ...
cabdirashid

Faroole oo iska laaluushay Gudoomiyihiisa Baarlamaanka si uu u meel mariyo rabitaankiisa

Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee C/raxmaan Faroole ayaa ...
Shoole

C/risaaq Shoole oo iska casilay xubin ka ahaanshaha Guddiga doorashada Faroole.

C/risaaq Shoole oo ka mid ahaa dhawr ...
Afwaliinje-iyo-Faroole

Faroole iyo Qadaafi oo Arimo badan isaga mid ah (Warbixin)

Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ...
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
News in English
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
13708_512015038831636_1393716994_n

ELECTION IN PUNTLAND

On the 19th February 2013 there was ...
Afwaliinje

PUNTLAND: AN ILLUSION TO DEMOCRACY

We have recently seen visits to Puntland ...
GAlkayo-300x220

PUNTLAND: THE GOOD THE BAD AND THE UGLY

The GOOD: The Good are those people and ...
faroole-500x331

Farole set on destroying Puntland

Today a further 300 soldiers are ...