
Kulan baalaran oo ay isugu yimaadeen waxgarad ka soo jeeda Degmadda Qardho ayaa maantay waxa uu ka dhacay Xarunta Shirarka ee Degmadda, iyadda oo shirka looga hadlay adkaynta nabadgelyada, midnimada Puntland, iyo Gogol xaarka qabashada shir weynaha wada tashiga badbaadinta Puntland oo Qardho ka dhici doona.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse, Musharaxa Madaxweynaha Puntland Gen. Cabdilahi Siciid Samatar, Wasiiru dowlaha sharciga Puntland Gen. Yuusuf Axmed Kheyr, Danjire Dr. Maxamed Cumar Jaamac Dhigic Dhigic Isimo,Waxgarad,Siyaasiiyiin,

Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa shirka kana gaabsaday in magacooda saxaafadda laga sheego ayaa u xaqiijiyey PN24 in shirka uu gaaray meel xasaasi ah ka dib markii uu goobta ka istaagay Gen. Yuusuf Axmed Kheyr oo ah Wasiiru dowlaha sharciga ee Xukumadda Puntland, kaasi oo loo sheegay in uu shirka ka fariisto xilligana aan loo baahneyn in dalka loo horseedo fowdo.

Ka dib ayaa waxaa shirka ka hadlay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse oo ka sheekeeyay xaaladaha uu dalka marayo sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo amniga Puntland iyo weliba midnimada Puntland, isaga oo ka digay in khal khal la geliyo dalka, shegayna in ay muhiim tahay in la tixgeliyo sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.

Gen. Cadde Muuse ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kulan dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Sheikh Maxamed Faroole kaasi oo uu sheegay in uu ahaa mid ay isku fahmi waayeen, waxa uuna Madaxweyne Cadde shirka ka sheegay in Puntland ay u baahan tahay midnimo, cid walbna ay og tahay wakhtiga doorshadda.

Isaga oo dhaliilay qaabkii loo kala diray odayaashii shirka uga furmi lahaa Garowe, kuwaas oo amar ka soo baxay Xukumadda Faroole lagu kala cayriyey halka kuwa kalena xabsiga la dhigay.

Intaasi ka dib waxaa hadalka qaatay Musharax Gen. Cabdilaahi Siciid Samatar oo sheegay in wixii ka dambeeya 7-Jan-2013 aysan dalka awood xukun iyo sharciyad ku lahaan doonin Xukumadda Faroole isaga oo dhaliil u jeediyey qaabka loo wajahay shirkii lagu hor-istaagay in uu ka dhaco magaalada Garowe.

Waxa uu Musharax Gen. Cabdilaahi Siciid in badan ku celceliyey in ay mar walba muhiimadda koowaad siinayaan midnimadda iyo amniga Puntland isaga oo ka hadlay in Xukumadda Faroole la doortay mudo afar sanno ah wakhtigiina ka dhammaday haddana ay weli sugayaan in ay doorsho qabato.

Wasiirka dowlaha sharciga madaxtooyada Puntland Gen. Yuusuf Axmed Kheyr ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in loogu daro mudo sanad ah isaga oo xusay in ay waxbadan qabteen, jecel yihiin in ay hirgeliyaan nidaam axsaabta badan, balse uu ka codsanayo siyaasiinta iyo Bulshadda Qardho in xukuumadda mudadda halka sanno ah ee loogu daray ay iyaggana ogolaadaan.


Intaasi ka dib waxaa goobta ka hadlay qaar kamida Nabadoono ka tirsan degaanka oo sheegay in wakhtigii loo baahnaa Xukumadda Madaxweyne Faroole in ay waxqabato ay ku guuldareystay haddana aysan u harin mudo sidaas u sii dheer, loona baahan yahay in dalka khal-khal loo horseedin, xukuumadana ay ixtiraamto rabitaanka shacabka oo ah in doorasha dalka la geliyo.
Ugu dambeyntii waxaa shirka laga soo saaray la iskuna afgartay afar Qodob oo ay ka mid ahaayeen:-
1. In Qardho ay u diyaar garowday shirweynaha bad-baadinta Puntland, isla markaana gogoshiisa weli taalo.
2. In ergooyinka reer Puntland ee ku sugan magaalada Qardho la soo dhaweeyey, kuwa iman doonana sidaas oo kale la soo dhoweynayo, laguna wargeliyo inay Qardho tahay magaalo cidina aan laga laheyn, lagana xigin.
3. In Ciidamada nabadgelyada ee hadda joogana magaalada ay amniga ka shaqeeyaan hawlaha ergooyinka iyo qabaa’ilkana aanay faragashan Karin.

Shirka ayaa waxa uu ku soo dhammaaday ugu dambeyntii is afgarad iyadda oo Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse uu u socdaalay Magaalooyinka kale ee Puntland isaga oo socdaalkiisa ku hormaraya Magaaladda Caasimadda ah Garowe, ugana sii gudbi doono Magaaladda Galkacyo oo la filayo in uu kulamo kula soo qaato waxgaradka Gobolka Mudug.
XIGASHO Puntlandnews24.com
Qardho,Puntland
“Waaw”Boqortooyada Daarood,waay ku mahadasan tahay shirka dib U dhiska Puntland iyo soo dhowaaynta Ergooyinka laga sheegtaay laguna waxyeleeyey Caasimaddii Puntland,oo Hadda isu bedeshaay Magaalo qooys iyo lama galaan. waan soo dhowaaynayaa shirka Deegaanka Boqortooyada loogana hadlaayo shirwaaynaha Puntland,waxaanse kula talinayaa reer Qardho inaay indhaha ku hayaan Maleeshiyada Faroole khaasatan nin Madax jebiska u qaabilsan uuna ku magacaabo Taliya Ciidanaka Booliska,kaas oo hadda ku sugan Degaanka qardho looguna talo galay inuu Ergada madaxa ka jebiyo,waa in lagula Xisaabtamaa qofkii iyo ergaaygii qardho wax lagu yeelo,loogana Digo.
Viva Puntland,Viva Qardho, Allow Puntland Badbaadi
Waa war farxad leh in Qardho gogoshii nabadda dhigto waligeedna waxay ahayd meesha laga hago nabadda, caddaaladda iyo horumarka bulshada reer puntaland.
Waan hubnaa in lagu guulaysanaayo xalka nabadda oo ay raadinaayaan.
Dowladda wakhtigeedii dhammaadayna waxaan kula talinaynnaa in ay xaqa aragto oo aysan isceebeen in hore tagtaye indambe.
Dadka khaladka ugu durbaan tumayana Dowladda xilligeedii dhamaadayna ka waantoobaan oo ay runta u sheegaan Faroole, ogaadaanna in qof walba waxa uu galay la ogyahay sax iyo khaladba.