Roberto Carlos: Sanduuqa Abaalmarinada Messi Waa Buuxaan, Markaan Waa Inuu Ronaldo Ku Guuleysto Ballon d’Or.

Published on November 17, 2012   ·   No Comments

Xiddigii hore ee Real Madrid Roberto Carlos ayaa fekerkiisa ku dhiibtay in Cistiano Ronaldo uu u qalmo inuu ku guuleysto Ballon d’Or, madaama buu yiri sanduuqii abaalmarinta ee Lionel Messi ay buuxsameen.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka seddexdii sanno ee u danbeysay, iyadoo ciyaaryahanka reer Portugal uu kaalinta labaad soo galay sannadkii hore, halka uu 2010 ka maqnaa seddex ciyaaryahan ee u tartameysay.

Si kastaba, halyeeygaan daafaca bidix ayaa dareensan in la joogo waqtigii uu Ronaldo ku guuleysan lahaa abaalmarinta ka dib guulihii uu gaaray xilli ciyaareedkii 2011-12.

“Sida iska cad qof walba waxa uu ka hadlayaa Messi, Laakiin waxaan ogahay inuu ku guuleystay abaalmarino ku filan, mana jiro meel banaan abaalmarin kale sanduuqiisa abaalmarinta.” ayuu Carlos u sheegay Fifa.com.

“Sidaasi darteed waxaan u codeyn lahaa Cristiano Ronaldo. Waa ciyaaryahan kuu badin kara kulamada habab kala duwan, isagoo boosas kala duwan oo weerarka ciyaari kara. Waxa uu u qalmaa inuu mar kale ku guuleysto.”

 

Ninka reer Brazil ayaa sidoo kale ka hadlay in tababaraha Real Madrid Jose Mourinho u qalmo abaalmarinta tababaraha sannadka ee FIFA.

“Madaama uu Pep Guardiola ka tagay Barcelona, waxaan qabaa in abaalmarinta ay tahay inuu ku guuleysto Mourinho.

“Koox tiisa oo kale ah waa ay ka adag tahay in la tababaro xul qaran, waa wax aan wax badan ka ogahay.”

Mourinho ayaa ku hogaamiyay Real Madrid horyaalkoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedkii hore tan iyo 2008dii.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti ( @Saedmohd)

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Puntlandpress.net
Somali News
Faroole-Radio

Radio Faroole Mise Radio Puntland? Cabashooyin kala Duwan Oo kasoo baxaya Wariyeyaasha Madaxa Banaan ee Puntland.

Cabashooyinka Kala duwan oo Cod dheer nagu ...
cabdirashid

Faroole oo iska laaluushay Gudoomiyihiisa Baarlamaanka si uu u meel mariyo rabitaankiisa

Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee C/raxmaan Faroole ayaa ...
Shoole

C/risaaq Shoole oo iska casilay xubin ka ahaanshaha Guddiga doorashada Faroole.

C/risaaq Shoole oo ka mid ahaa dhawr ...
Afwaliinje-iyo-Faroole

Faroole iyo Qadaafi oo Arimo badan isaga mid ah (Warbixin)

Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ...
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
News in English
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
13708_512015038831636_1393716994_n

ELECTION IN PUNTLAND

On the 19th February 2013 there was ...
Afwaliinje

PUNTLAND: AN ILLUSION TO DEMOCRACY

We have recently seen visits to Puntland ...
GAlkayo-300x220

PUNTLAND: THE GOOD THE BAD AND THE UGLY

The GOOD: The Good are those people and ...
faroole-500x331

Farole set on destroying Puntland

Today a further 300 soldiers are ...