Magaaladda Qardho ayaa waxaa xaflad qado sharaf ah loogu sameeyay Isimadii laga soo cayriyey magaaladda Garowe isla markaana dhaawacyadda loo geystay, halka kuwii kalena xabsi lagu guray oo weli ay xir xiran yihiin.
Qardho oo ah magaaladda Boqortooyadda Beelaha Daarood ayaa soo dhaweysay oo haddana qado sharaf u sameysay iyagga oo ka raali geliyey waxa ay u geysteen haraadiga bur buray ee Faroole hormuudka ka yahay.
Qado sharaftaan ayaa waxaa ka qeyb galay halyeey Gen. Cabdilaahi Siciid Samatar oo ka mid ah halgamayaasha reer Puntland, iyadda oo shirka laga sheegay in maantay Puntland ay guul u tahay in reer Qardhood ay soo dhaweeyaan.
dadka ayaa ka muuqtay sharafta iyo farxadda maadama ay Qardho oo ah guri gobeeda y joogaan, halka Magaaladda Garowe laga sheegtay oo loo diiday in ay galaan iyagga oo dhaawac qabana laga soo cayriyey.
Gacmaha isqabsada reer Puntlandoow maantay Faroole god ku sii dhacaye
Mawqifkiinna soo gaabiyoo guul isagu keena oo isaga oo qadaafi oo kale ah god ku sii rida
Halkan ka daawo sawiradda
Puntland press
Qardho
xuquuqda sawiradda: Horseed media
hala ilaaliyo Ethics media
Maamulka aaran jaan,ee uu Horkaco MR:faroole waxaay u muuqdaan kuwo cimrigooda soo dedejinaaya,waxaana ugu wacan inaay Ergooyinkii Puntland Caasimadoodii iska Xejiyeen,inaay hawaaystaan in lagu weeraro Xarunta Boqortooyada “Daarood”Waxaan Cismaan Maxamuud ugu baaqayaan inaay ilaashadaan sharaftooda aayna aaran jaan martidooda wax ku yeelin Xarunta Boqortooyada Daarood.iskana fogeeyaan kuwuu ku shaqaaysto ee dabadhilifka u ah Maamulka Faroole ee deegaanka u dhashay,ugun Horeeyo khaliif ciise mudan iyo cabdiquraan maxamed Aadan.wa billaahi taawfiiq.