Kadib markii aan aragnay is qab qabsi ka soo ifbaxay dorashada lagu waday in ay dhacdo January 2013, taasoo aanan u muuqan in ay u qabsoomi doonto sidii balakii hore ahaa, kadib markii daruufo iyo xaalada la soo gudboonaday Puntland ay keentay in dorashadaasi dib loo dhigo muddo hal sano ah. Lagana dhigay January 2014
Sababaha keenay in doorashada dib loo dhigo
· Iyadoo Puntland ay yeelatay darstur cusub kaas oo muddo qaatay samaytiisa, xaladihii dalka ka jir 13kii sano ee la soo dhafay ee ahaa kumeelgarnimadii in uu dalku ka baxay.
· Dowladu oo ka gaabisay in ay arimhaasi loo igmaday ku soo dhamayso mudadkii hore ee loo cayimay ee ahaa muddo afarsanadood ah.
Side lagu xalinkaraa is maandhaafkaas
Conflict resolution, waxaa asasi u ah mabaadiida xalka in la helo compromising iyo wada shaqayn ah in qolo kastaba ay wax ka tanasusho, sida in ay mucaaradku ka tanasulaan in dorashadu dacdo janawari, Dowladduna ka tanasusho in ay iyada u tahay dalka dowlad sharci ah oo waqtigeedii loo soo doortay uusan wali dhamaan xaqna u leeyihiin in ay dalka ayaga ka taliyaan sideey rabaanna ka yeelan.
Side loo sameyn karaa
1-Mucaaradku waa in ay hal mucaarad ama ururu ku midowbaan si ay wada hadal ula furan dowladda
2-Mucaaradku waa in ay la yimadaan strategic agenda ama qorshe cad oo wadanka lagu samatabixin karo iyo siyaasad wadanka dhaqalihiisa iyo amankisa wax ka badalaysa lkn aysan la soo taagnanin oo kaliya (Dorasho ma dhacayso!!)
3- In isimada ka noqdaan dhaxdhaxaad arimaha siday u socdaanna wax ka ogadaan cidii wixii lagu heshiiya qaladana farta loogu wada fiiqo
4- in la isku afgarto muddada sanadka ah ay dowladdu ku darsatay, laga dhigo kumeel gaar Mucaaradkana laga qaybgaliyaa hanaanka siyasadeed.
5- in dib loo dhiso Gudi dhax dhaxaad ah oo doorasho, iyo xukuumad si aysan u dhicin in dowladdu ku shubato dorashada danbe, ama aysan dowladdu u samayn hal xisbi oo weyn oo anan lala tartamikarin.
6- in la sameeyo hanaan roadmap ama qariidad looga baxo xilgaas sanadka ah si loogu gudbo dowad leh xisbiyo badan.
7- in la wada dhiso muddadasi sanaka ah dowlad midnimo qaran ama national unity oo mucaarad iyo muxaafidba ka kooban.
Hadii intaas la isla helo maxaa la filankaraa ?
Hadii sidaani wax ku dhamadaan wadanku wuxuu ka baxayaa nidaamkii beelaha wuxuna u gudbayaa nidaamka xisbiyada badan, horumar iyo dowladkasta oo dhisanta loo helo mucaarad dadka tusa qaladaadkeeda, taas oo dalka horumar u keenaysa, dadkuna waxay wax ku doorandoonaan yaa wax inoo qabarkara.
Hadii sida kor ku xusan la sameenwayo ama is afgaradkale wadanka ka dhici wayo maxaa dhici Kara?
Waxaa ka dhalankara fidno iyo in dagaal wadanka ka qarxo ama ku amartaagleen iyo cabur xoogleh ka dhasho intaasba oo aan hadda dani ugu jirin, dadka iyo dalka Puntland.
Sincerely
Maxamud C/raxmaan Janagale