Wararka aanu ka helayno Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa sheegaya in Ciidmo uu wato taliye xigeenka Policeka Puntland Muxiyadiin Gacmeey lagu amray in ay isaga baxaan magaaladda mudo 48 Saacadood gudahooda ah.
xaaladda magaaladda ayaa degan, ciidamadda uu wato taliye xigeenka ayaa ku sugan saldhiga Booliska magaaladda iyagga oo loo diiday xataa in ay magaaladda dhex maraan, wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Maxamed Siciid Jaqnaf uu isagana ku sugan yahay Qardho una sheegay Muxiyadiin Gacmeey oo ahel ay yihiin Faroole in uu isaga baxo magaaladda.
Khilaafka ayaa sidoo kale ayaa yimi markii loo arkay in ay nasiib daro tahay Madaxweyne faroole in uu ku soo hogaamiyo Qardho maleeshiyaad ka tirsan beeshiisa oo dhawaan ciidamada lagu daray, taasina ay ka careysiisay shacabka degaanka Qardho.
Dhalinyaro ka tirsan degaan oo aad u hubeysay ayaa ku hanjabay hadii uusan magaaladad isaga bixin ay ku weerarayaan saldhiga Booliska taasina ay masuulyadeeda qaadi doonta cida u soo dirstay Qardho .
Booliska Puntland
waxaa shacabka degaanka aad ula yaabeen iyadda oo uu dalka ku sugan yahay Wasiirka amniga,Taliya Booliska oo ka soo jeeda degaanka Qardho in magaaladda loo soo diro Nin aan wax badan ka aqoon sharciyadda ciidamddda iyo maleeshiyaad uu wato isla markaana Qardho loo horseedo dagaal.
wararka ayaa sheegaya in shirar ay yeesheen odayaasha degaanka leysku raacay marka hore in Maleeshiyadda uu wato taliye xigeenka magaaladda isaga baxaan, isla markaana aysan wax dhaq dhaqaaq ah ku sameyn karin gudaha magaaladda Qardho.
Magaaladda Qardho ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu amniga fiican Puntland, hasse yeeshe waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay khal khal amni xumo magaaladda ka waday rag uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka karkaar Cabdi quraan Maxamed Aadan oo loo anaaneyn in uu masuul ka yahay falal badan oo amni xumo ka dhacay Qardho.
Gudoomiyaha gobolka ayaa waxa uu awoodi waayey in uu furo xafiiskiisa balse waxa uu magaalada u jooga sida dad badan oo degaanka ah ogsoon yihiin in uu ka shaqeeyo amni xumadda Qardho, Ninkaan ayaa ah nin aan aqoon badan u laheyn hogaaminta waxa uuna dhowr jeer oo hore ku fashilmay in uu maamulo dugsiga sare ee Qardho.
Gudoomiyaha ayaa xilka helay ka dib markii Aabihii oo ah nin nabadoon ah uu ka codsaday Faroole in uu wiilkiisa meesha u geeyo si uu biilka caruurta uga helo, hasse yeeshe waxaa looga fadhiyaa Cabdi quraan in uu joojiyo falalka amni xumo ee uu magaaladda ka wada.
Puntland press
Garowe
scw
Faroole Hadduu Caasimaddii Ummadda ka dhexaaysay Sheegtaay,Isimadiina ka Masaafuriyey,Falaartii Cirka loo gamay nin walboow filo,waxaayla tahay meesha hashii waaynaayd ka dur durisaay Aarankii maxaad ka filan,Haddii madaxwaaynihii Ummaddu dooratay uu ku hadaaqay Caasimadda Anigaa leh lagumana shirkaro,Qooyskiisuna ka Aamusaay,uuna madaxwaaynuhu garan waayey xilkuu Ummadda u hayo Darajadiisa,Shaqsi Caaymooyee wax kalana garan waayey,waxaayna la tahay inaan laga yaraaysanaayn waxaay reer garowe isku raaceen,Xukunka aan xoog ku haaysano,Caasimadda Bacdamaa aan lee nahay,Mase Xasuusan Abgaal iyo Murusade,markii Xamar looga hayaamay inaay is cuneen illaa maantana aay rajo la haayn la arkidoonee Garawaay waxaad ku Danbaayso?
Dawlada yaana lamucaradin sanad hadu dhamanayaa waxbadan maaha ina sicid iyo gaagaabna farole aya ino dhama