Maamulka Kismaayo oo ka hadlay booqshadda Wafdiga Dowlada Federalka

Published on December 28, 2012   ·   No Comments

Gudoomiyaha maamulka magaalada Kismaayo Shiikh Axmed Max’ed Islaam { Axmed Madoobe} oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo gaar ahaan u dhaxeeya isaga iyo maamulka uu hogaamiyo iyo dowladda dhexe.sheekh-axmed-madoobe

Waxaa uu sheegay in hadda uu soo dhamaday wixii mad-madow ahaa oo ku dhax jiray labada dhinac, islamarkaana xiriirka maamulka iyo dowladda dhexe uu yahay mid hagaagsan.

‘’Warbaahinta inta badan waxaa ay buun-buuniyaan warar aan micno badan laheyn, marka waxaa leenahay waa in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada ayuu yiri,’’ Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay mas’uuliyiinta maamulka uu hogaaminayo Axmed Madoobe in amaanka magaalada yahay mid hagaagsan, islamarkaana ay xalay ku hoydeen wafdigii ka socday dowladda oo u kuur-galayay nabad-galyada.

Wafdiga dowladda ee ku sugan Kismaayo waxaa hogaaminaya oo horkacaya wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, waxaana ka mid ah wasiirrka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi, wasiirrka garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, wasiirrka warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo xubo kale.

Dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta maamulka magaalada Kismaayo ee uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa siweyn isugu khilaafsan arinta ku saabsan maamul u sameynta Jubbooyinka, waana sababta keentay in wafdiga dowladda ay halkaa tagaan.

Puntlandpress

Kismaayo

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Somali News
cabdirashid

Faroole oo iska laaluushay Gudoomiyihiisa Baarlamaanka si uu u meel mariyo rabitaankiisa

Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee C/raxmaan Faroole ayaa ...
Shoole

C/risaaq Shoole oo iska casilay xubin ka ahaanshaha Guddiga doorashada Faroole.

C/risaaq Shoole oo ka mid ahaa dhawr ...
Afwaliinje-iyo-Faroole

Faroole iyo Qadaafi oo Arimo badan isaga mid ah (Warbixin)

Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ...
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
Laascaanood00

Mucaaradka oo ku shiray Gaalkacyo diidayna codsiga ka yimid Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Faroole

Hotelka Classic ee magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ...
News in English
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
13708_512015038831636_1393716994_n

ELECTION IN PUNTLAND

On the 19th February 2013 there was ...
Afwaliinje

PUNTLAND: AN ILLUSION TO DEMOCRACY

We have recently seen visits to Puntland ...
GAlkayo-300x220

PUNTLAND: THE GOOD THE BAD AND THE UGLY

The GOOD: The Good are those people and ...
faroole-500x331

Farole set on destroying Puntland

Today a further 300 soldiers are ...