Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la qaado Howlgallo lagu baacsanayo Xarakada Al-shabaab

Published on December 28, 2012   ·   No Comments
Midig: Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax)

Midig: Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax)

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya, C/fataax Xasan Afrax ayaa ku baaqay in la qaado howgal ballaaran oo lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay inay hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay dalka ka baxsanayaan kaddib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku jabiyeen dagaallo ka dhacay deegaanno badan oo dalka ku yaalla.

“Waxaa muuqata in Al-shabaab aysan haysan meel ay uga baxsadaan Soomaaliya, sidaa daraadeed waa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada kooxdan la qabto ama la dilo, taasoo saldhig u noqon karta in deggenaashaha dalka uu dib u soo laabto,” ayuu yiri Afrax.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in Al-shabaab ay saldhigyo ka sameysanayaan deeegaannada Golis ee Puntland qaar ka mid ahna ay aadayaan dalka Yemen, iyagoo doonaya inay ku biiraan kooxda Al-Qaacida ee halkaas ka dagaalanta.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ay dhawaan qabsan doonaan degmada Buulo-burte ayna isku furi doonaan degmooyinka Ceelbuur iyo Xudur oo ku yaalla gobollada Galguduud iyo Bakool.

“Waxaan isku diyaarinaynaa dagaal aan la galno Al-shabaab si aan uga saarno goobaha ay ku harsan yihiin,” ayuu yiri Jen. Caanood oo ka gaabsaday inuu ka hadlo xilliga uu howgalku billaabanayo.

Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa cajalad uu dhawaan soo duubay ku sheegay in Al-shabaab ay weli ka taliyaan dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan wuxuu ugu yeeray cadow kusoo duulay dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab’s leader Ahmed Abdi Godane, also known as Mukhtar Abu al-Zubair, has admitted publicly that his group’s fighters have been defeated in a series of recent battles in Somalia.

“Sannadkan waxaa lagu soo qaaday mujaahidiinta Soomaaliya dagaal culus oo loo adeegsaday hub culus iyo warbaahinta si loo damiyo isku xukunta shareecada Islaamka, balse innaga waxaa naga go’an inaan ka hortagno cid walba oo doonaysa inay diinta burburiso,” ayuu ku sheegay Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubeyr cajalad maqal ah oo uu soo duubay bishan.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa sheegay inay la beegsan doonaan ciidamada ku sugan Soomaaliya ee isugu jira AMISOM iyo kuwa Itoobiya dagaallo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah si ay cududdooda u wiiqaan.

Maxamed Xaaji Xuseen

Puntlandpress

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Puntlandpress.net
Somali News
Faroole-Radio

Radio Faroole Mise Radio Puntland? Cabashooyin kala Duwan Oo kasoo baxaya Wariyeyaasha Madaxa Banaan ee Puntland.

Cabashooyinka Kala duwan oo Cod dheer nagu ...
cabdirashid

Faroole oo iska laaluushay Gudoomiyihiisa Baarlamaanka si uu u meel mariyo rabitaankiisa

Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee C/raxmaan Faroole ayaa ...
Shoole

C/risaaq Shoole oo iska casilay xubin ka ahaanshaha Guddiga doorashada Faroole.

C/risaaq Shoole oo ka mid ahaa dhawr ...
Afwaliinje-iyo-Faroole

Faroole iyo Qadaafi oo Arimo badan isaga mid ah (Warbixin)

Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ...
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
News in English
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
13708_512015038831636_1393716994_n

ELECTION IN PUNTLAND

On the 19th February 2013 there was ...
Afwaliinje

PUNTLAND: AN ILLUSION TO DEMOCRACY

We have recently seen visits to Puntland ...
GAlkayo-300x220

PUNTLAND: THE GOOD THE BAD AND THE UGLY

The GOOD: The Good are those people and ...
faroole-500x331

Farole set on destroying Puntland

Today a further 300 soldiers are ...