
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Liverpool Stewart Downing ayaa loo sheegay inuu raadsado koox cusub si uu u helo boos joogta ah, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogta ah ka helo kooxda Brendan Rodgers.
28 jirkaan ka ciyaara garabka ayaa ka careysiinayay taageerayaasha Anfield 18kii bilood ee uu kooxda joogay, isagoo marna daafac bidix ama garab bidix oo weerar ah laga ciyaarsiinayay, waxaana ay u muuqataa in tababaraha uu ka dhamaaday dulqaadka.
Ciyaaryahankii hore ee Aston Villa ayaa loo sheegay inuu raadsan karo koox cusub bisha Janaayo, laakiin waxaa laga yaabaa inuu sugo ilaa iyo xagaaga hadii uu doonayo inuu si rasmi ah uga tago kooxda.
“Tababaraha waxa uu ii sheegay inaan bixi karo hadii aan rabo. Waxaan qabaa inay tahay dabeecada kubada cagta, oraahda ah in ciyaarta ay tahay kaftan waa run.” ayuu u sheegay Downing suxufiyiinta.
“Waqti badan ayaan ciyaarayay, waxaana jira marar aad marna ka maqan tahay marna ku jirto koox. Xilligan la joogo waxaan isku dayayaa inaan ciyaaro intii macquul ah.
“Hadii aysan taasi dhicin, waxaan ku jira da’ aanan meel iska fariisan karin. Waxaan u baahanahay inaan ciyaaro, tababarahana taas waa uu fahamsan yahay.”
Rodgers ayaa u muuqda mid jecel in Jose Enrique uu ka ciyaarsiiyo garab weerar, waxaana Downing uu isha ku hayaa suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo ama xagaaga.
“Waa sida ay xaalada tahay, waa inaan aragnaa waxa dhaca bisha Janaayo ama xagaaga.”
Saed Mohamed Balaleti ( @Saedmohd)
Sports News
Puntlandpress