Lionel Messi Oo Shaaciyay Xiddigaha Uu U Codeeyay Abaalmarinta Fifa Ballon d’Or.

Published on November 22, 2012   ·   No Comments

Lionel Messi ayaa u sheegay wariyayaasha maanta inuu dhiibtay codkiisa abaalmarinta Ballon d’Or 2012, isagoo sheegay inuu rajeynayo in midka ka mid ah saaxiibadiis inay ku guuleystaan.

Xiddigaan oo ceyrsanaya inuu jabiyo rikoorka Gerard Muller uu ku dhaliyay 85 gool hal sanno, ayaa maanta si cad uga hadlay codeyntiisa abaalmarinta sannadlaha ee FIFA Ballon d’Or.

“Waan codeeyay, waana idiin sheegayaa cidaan u codeeyay waa Xavi, Iniesta iyo Aguero” ayuu xiddiga reer Argentina yiri, isagoo haatan ugu cadcad inay markii afaraad oo isku xigta ku guuleysto abaalmarinta.

Messi ayaa codeyn kara madaama uu yahay kabtanka xulkiisa Argentina, waxaana uu sida uu sheegay kaalinta koowaad, tan labaad iyo seddexaad kala geliyay Xavi, Iniesta iyo Aguero.

Abaalmarintan ayaa waxaa u codeeya kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaranka iyo joornaaliistayaal caalamka laga soo xulay.

 

“Iskuma codeyn karin shaqsi ahaanteyda. Waan ku faraxsanaan lahaa hadii ay ku guuleystaan Xavi ama Iniesta. Kuma aanan guuleysteen kubada dahabka asxaabteyda la’aantood.”

Messi ayaa mar kale wax laga weydiiyay waxa uu ka qabo ninka ay xafiiltamaan ee xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

“Lama tartamo isaga. Waxaan kaliya isku dayaa inaan shaqadeyda ugu fiican u qabto Barcelona iyo Argentina.

“Xafiiltanka waa wax joornaaliistayaasha ay xiiseynayaan. Mar walba oo macquul ah waxaad isku daydaan inaad isku kaaya barbardhigtaan.”

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti ( @Saedmohd)

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Somali News
cabdirashid

Faroole oo iska laaluushay Gudoomiyihiisa Baarlamaanka si uu u meel mariyo rabitaankiisa

Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee C/raxmaan Faroole ayaa ...
Shoole

C/risaaq Shoole oo iska casilay xubin ka ahaanshaha Guddiga doorashada Faroole.

C/risaaq Shoole oo ka mid ahaa dhawr ...
Afwaliinje-iyo-Faroole

Faroole iyo Qadaafi oo Arimo badan isaga mid ah (Warbixin)

Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ...
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
Laascaanood00

Mucaaradka oo ku shiray Gaalkacyo diidayna codsiga ka yimid Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Faroole

Hotelka Classic ee magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ...
News in English
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
13708_512015038831636_1393716994_n

ELECTION IN PUNTLAND

On the 19th February 2013 there was ...
Afwaliinje

PUNTLAND: AN ILLUSION TO DEMOCRACY

We have recently seen visits to Puntland ...
GAlkayo-300x220

PUNTLAND: THE GOOD THE BAD AND THE UGLY

The GOOD: The Good are those people and ...
faroole-500x331

Farole set on destroying Puntland

Today a further 300 soldiers are ...