Kooxdii Kubadda Cagta ee Dalka Eritrea iyo Dhakhtarkoodii oo dalka Uganda weydiistay Magangalyo Siyaasadeed

Published on December 6, 2012   ·   No Comments

Kooxda kubadda cagta ee dalka Eritrea iyo dhakhtarkooda ayaa weydiistay dowladda Uganda magangalyo, iyagoo sheegay in haddii ay dalkooda ku laabtaan ay ka baqayaan inay xaalad khatar ah la kulmaan.

Xulkan ayaa looga badiyay ciyaarihii dalalka Bariga iyo Bartamaha oo ka dhacay dalka Uganda, iyadoo kooxda oo la doonayay inay dalkooda ku laabtaan ay isaga baxsadeen hoteelkii ay deggenaayeen iyagoo ka baqdin qabay in dib loo celiyo.

“Waxay na weydiisteen magangalyo, waxayna noo sheegeen in xalaaddooda aysan wanaagsanayn oo aysan ku laaban karin dalkooda,” ayuu yiri madax guddiga qoxootiga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Uganda, David Apollo Kazungu oo la hadlay qaybta isboortiga ee BBC-da.

“Hadda waxay ku jiraan gacanta dowladda Uganda, wayna ku jirayaan inta laga diiwaan-gelinayo,” ayuu David hadalkiisa ku daray, wuxuuna isagoo hadakiisa sii wata yiri: “Waxaan ka shaqeynaynaa sidii ay hay’adda Qoxootiga adduunka ee UNHCR ay u caawin lahayd 18 ruux ee Eritrea u dhashay.”

Kooxda kubadda cagta ee dalka Eritrea ayaa niyad-jabay markii looga adkaaday tartannadii ay la galeen xulalkii ka socday Malawi iyo Rwanda ayna barbarro la galeen xulkii ka socday dalka Zanzibar.

Ciyaartoyda Eritrea ayaa lagu waday inay Arbacadii shalay dib ugu laabtaan dalkooda, balse Axadii ayaa laga waayay hoteelkii ay deggenaayeen, taasoo shaki weyn gelisay xiriirka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo kulamadan soo qabanqaabiyay.

Xoghayaha guud ee CECAFA, Nicholas Musonye ayaa ku tilmaamay inay wax aad u wanaagsan tahay in la helay warka ciyaartoydii ka socotay dalka Eritrea. Isagoo intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in xulalka Uganda ay caadeystaan inay dhuuntaan marka ay ciyaarahan oo kale ka qaybgalayaan, wuxuuna sheegay inay sidan oo kale dhacday sannadihii 2009 iyo 2010.

Maamulka Eritrea ayaa lagu eedeeyaa cadaadis joogto ah oo uu ku hayo shacabka dalkaas, taasoo loo maleynayo inay keentay in xulka dalkaas ay ka baqaan in si aan wanaagsanayn loola dhaqmo haddii ay ku laabtaan dalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen

Puntlandpress

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Puntlandpress.net
Somali News
Faroole-Radio

Radio Faroole Mise Radio Puntland? Cabashooyin kala Duwan Oo kasoo baxaya Wariyeyaasha Madaxa Banaan ee Puntland.

Cabashooyinka Kala duwan oo Cod dheer nagu ...
cabdirashid

Faroole oo iska laaluushay Gudoomiyihiisa Baarlamaanka si uu u meel mariyo rabitaankiisa

Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee C/raxmaan Faroole ayaa ...
Shoole

C/risaaq Shoole oo iska casilay xubin ka ahaanshaha Guddiga doorashada Faroole.

C/risaaq Shoole oo ka mid ahaa dhawr ...
Afwaliinje-iyo-Faroole

Faroole iyo Qadaafi oo Arimo badan isaga mid ah (Warbixin)

Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ...
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
News in English
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
13708_512015038831636_1393716994_n

ELECTION IN PUNTLAND

On the 19th February 2013 there was ...
Afwaliinje

PUNTLAND: AN ILLUSION TO DEMOCRACY

We have recently seen visits to Puntland ...
GAlkayo-300x220

PUNTLAND: THE GOOD THE BAD AND THE UGLY

The GOOD: The Good are those people and ...
faroole-500x331

Farole set on destroying Puntland

Today a further 300 soldiers are ...