Laga soo bilaabo bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 waxaa dalka Soomaaliya intiisa badan ka taagnaa dagaallo wjiyo kala duwan leh oo ku salaysan fikrado kala duwan.
Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda hoose oo ah hal bowlaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo daganaashaha
dalka Somaliya waxay hoy unoqotay isku dhacyo iyo dagaallo soo noq-noqday, iyadoo marti galisay maamullo kala duwan oo kala maan ah,
dagaalladaasi waxay saamayn weyn ku yeeesheen dadka deegaanka oo in badan oo kamid ah ay duruuftu ku qasabtay in ay isaga huleelaan magaaldda iyagoo maciin biday nolasha qallafsan ee xeryaha qaxootiga dalka Kenya.
Sannadadii dambe waxaa maamulka magaalada kismaayo gacanta ku hayay xarakada Alshabaab. Bilowgii bishii October ee sanadkan ayay magaalada ka baxday gacanta Alshabaab, waxaaana la wareegay ciidammo huwan ah oo isugu jiro ciidmada dowladda, xoogagga raaskambooni iyo ciidamada dowladda Kenya oo soo galay soomaaliya dhamaadkii 2011.
Waqtigaas ka dib waxaa dhashay oo hadheeyay magaalada Kismaayo buuq xagga siyaasadda ah, ismaan dhaafkan siyaasdeed wuxuu udhaxeeyaa maamulka gacanta ku hayo magaalda ee uu hogaaminayo AHMED MADOOBE oo umuuqda in taageero ballaaran ka haysto dadka deegaanka iyo siyaasiyiin ubadan hogaankii sare ee isbahaysigii dooxada Jubooyinka oo waqti hore ka arimin jiray magaalda Kismaayo.
Dowlada Soomaaliya oo looga baahnaa in ay ku xalliso khilaafka si xigmadi ku jerto ayaad mooddaa inay ku fududaatay go’aankay qaadatay oo ahaa in iyada faraha looga qaado loogana dambeeyo arinta kismaayo ayna maamul usoo magacawdo, arintaasi uma cuntamin maamulka KMG ah iyo dadka deegaanka oo iyagu la dhacsan qorshaha in la sameeyo maamul gobaleed ay ku midaysanyihin gabalada Jubooyinka iyo Gedo, qorshahaasi oo in mudda ahba soo socday laguna wado in lagu dhamaystiro gudaha magaalda kismaayo.
Wuxuu khilaafku sii xoogaystay markii madaxweynaha Soomaaliya XASAN SHEKH MAXAMUD uu usoo diray magaalda kismaayo wafdi aan la cadayn qorsha dhabta ah ee ay socdeen, wafdigaasi lama qaabilin waxayna ka noqdeen garoonka diyaaradaha umana suurta galin in ay galaan magaalda dhowr sababood dartood:
Tan koobaad lama ogaysiin maamulka KMG ah ee Kismaayo soo bixitaanka wafdiga ka imanaya muqdisho.
Tan labaad ma cadayn ujeedada rasmiga ah ee loo soo diray, kamana hadlin madaxda sare ee dowlada illaa maanta, iyagoo dadka qaar sheegayeen inay yihiin guddi maamul samayn halka kuwa kalana sheegayeen in loo soo diray wafdigaan si ay uqiimeeyaan xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee magaaladda.
Tan sedexaad wafdiga waxaa ka dhax muuqday xubno ka soo qayb qaatay dagaalladii Kismaayo horay uga dhacay hadaan sikale udhigno waxaa ka mid ahaa rag ka tirsanaa Dagaal oogayaashii hore.
Kala xigsiga ciidamada shisheeye!
Siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka AXMED MADOOBE waxay ku andacoonayaan in ay kenya wadato maamulkiisa ayna rabto inay ku qabsato magaaldda Kismaayo iyo guud ahaan goboladda Jubbooyinka, waxaase la yaab leh in ay ku qanacsanyihiin joogtiaanka ciidamadda Yugaandha iyo Burundi oo kenya lawadaaga magaca AMISOM ay joogaan caasimadda dalka iyo goballa kale, sidoo kale waxaa xusid mudan ciidamadda Itoobiya oon haysan wax ogalaasha ah ayaa ku sugan magaalda Baladweyne iyo qayba ka mid ah gobollada Bay iyo Bakool, waxaan maqli jiray ” baroortu orgiga ka wayn”.
markaan saa leeyahay ma aha inaan raalli ka ahay joogitaanka ciidamada Kenya dalka Soomaliya balse waxaan rabaa inaan ogaanno in ciidammada shisheeye ay isku mid yihiin aanna ka shaqayno siday ku bixi lahaayeen dhamaanba, si taa loo xaqiijiyo waa in aan ka fogaanno khilaafka iyo is qaqabsiga si aysan uhelin maraamarsiiyo ay ku soo galaan ama kusii joogaan dalkeenna.
daradaaran
magaalada Kismaayo iyo dhamaanba goballada jubooyin waa dhul uu ilaahay ugu deeqay noocyada kala duway ee kheyraadka, waxayna ku fillaan karaan labadaa gobal guud ahaan umadda Soomaaliyeed waa haddii caqligu shaqeeyo, si looga faa’iidaysto barwaaqaddaa ilaahay nagu mannaystay waa in lagu xalliyaa ismaan dhaafka maanta taagan iyo kuwa imaan doonaba wada hadal lagana waynaado xalka qoriga afkiisa ah.
Nur Ahmed Hussien {koboc}
Kobocyare@hotmail.com