Juventus ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Serie A ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Atalanta oo ku soo booqtay Juventus Arena.
Juventus ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 2aad, Mirko Vucinic ayaana kubada shabaqa la helay ka dib caawinaad uu ka helay Sebastian Giovinco.
Daqiiqadii 14aad ayay Juve hogaanka sii dheereysatay ka dib markii Maestro Andrea Pirlo uu shabaqa ku hubsaday laad xor ah oo toos ah oo aad u qurux badan, waxaana uu ahaa goolkiisii afaraad ee xilli ciyaareedkan.
Waxaana ciyaarta xilli horeba hal dhinca ka dhigay Claudio Marchisio kaasoo Juve u dhaliyay goolka seddexaad daqiiqadii 27aad ka dib markii uu shabaqa ka soo toogtay meel waxoogaa u jira goolka.
Atalanta oo xaalada ay ku xumeyd ayaa waxaa ugaga sii daray markii daqiiqadii 31aad uu qaatay jaalihiisii labaad iyo casaan Thomas Manfredini.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa inkastoo kubada inta badan heysatay Bianconeri hadana seddexdooda gool waxba kuma aysan darin.
Guusha ay gaartay kooxda Juventus ayaa ka dhigeysa inay 7 dhibcood ku hayaan hogaanka horyaalka, laakiin hogaankooda ayaa laga dhigi doonaa shan dhibcood hadii Napoli ay badiso caawa oo ay soo gasho kaalinta labaad.
Dhanka kale kooxda AC Milan ayaa cashar u dhigtay kooxda Pescare oo marti ku aheyd San Siro ka dib markii ay uga badiyeen 4-1.
AC Milan ayaa durbadii ay ciyaarta bilaabatay shabaqa soo taabatay markii uu gool u dhaliyay daqiiqadii 1aad ciyaaryahan Antonio Nocerino.
Iyadoo goolkaas ay hogaanka ku heysay Rossoneri lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Bilowgii qeybta labaad daqiiqadii 51aad Milan ayaa waxaa hogaanka u sii dheereeyay gool uu iska dhaliyay Abbruscato.
Shan daqiiqo ka dib Terlizzi ayaa gool u soo celiyay Pescara, laakiin Milan ayaa goolka seddexaad ku heshay gool uu iska dhaliyay Jonathas.
Dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa ciyaarta hurdo u diray El Shaarway oo dhaliyay goolkii afaraad ee ciyaarta.
Guusha ay gaartay kooxda Rossoneri ayaa iyadana ka dhigeysa inay weli baaqi ku sii ahaato kaalinta 7aad iyadoo leh 27 dhibcood.
Roma ayaa iyadana guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Chievo oo marti ay u ahaayeen laakiin waxa ay weli ku jiraan kaalinta 6aad iyagoo leh 29 dhibcood.
Fiorentina oo 4-1 kaga badisay Seina ayaa kaalinta 5aad ku jirta waxa ay leedahay 32 dhibcood.
Saed Mohamed Balaleti ( @Saedmohd)
Sports News
Puntlandpress