Iska booy Kismaayooy rag baa beylah kaa dhigaye.

Published on November 17, 2012   ·   No Comments

Magaalada Kismaayo oohinta iyo uur-kutaaladu waa mid joogto u noqotay tan iyo intii qarankii somaliyeed burburay , taasoo Kismaayo iyo dadkeedu aysan marna ka nasan Qax iyoQoor-gooyn joogtaa oo kaga imaaneysay dagaal- oogayaal iyo urur diimeedyo u kala dambeeyey oo koox waliba tan kale dagaal uga qabsaneysay magaalada .

Ahmed A.Takar

Ashahaadda iyo waan aqaan aayaddii Nebi e
hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo umalka guudkaaga
in yar iiga sheeg waxaan rabaa in aan ogaadaa e.

KISMAAYO oo beri samaadkii la oran jirey : “KISMAAYO kistaada ama kaskaaga ku joog” .. oo loola jeedo reer kismaayo waxay qoraan amase aaminsan yihiin oo kaliya waa: camal (shaqo) amase cilmi (maskax) oo waa dad ka xoroobay qabiilka , waxaadna ka garan kartaa wada-noolaashaha iyo walaalnimada reer kismaayo ay caanka ku yihiin .

Laga bilaabo maalintii kuukaayada Kenya iyo kolonyada Axmed madoobe ay kismaayo qabsadeen oo ku beegan 01 october2012, Kismaayo oo beri ahaan jirtay magaalo madaxda saddexaad ee Somaliya waxay gashay xaalad iyo taariikh cusub oo ah markii ugu horeysay ee ciidan Kenyaati ahi ay cagaha soo dhigaan ciidda quruxda badan ee magaalo xeebeedka Kismaayo ,”Gablan talo adduuney maxaad galabba meel joogtay”, Oraahdii hore ee kismaayo kistaada iyo kaskaaga waxaa bedeshay mid cusub oo ah : ” KISMAAYO kenyaati ku joog amase kabahaaga ka idlo”.

Laga yaabee inaad is weydiiso oo maxaa ku jaban in kenya ciidamadeedu qabsadaan gobol ka mid ah somaliya ? soo tan magaalo madaxdiiba (muqdisho) ay Ugaandheeska iyo afrikaanku ay dhex mushaaxayaan , gobolo badan oo somaliya ka mid ahna ay si toos ah ama si aan toos ahaynba u joogaan ciidamo ethiopian ahi.. taasi waa xaqiiqo dhab ah oo dacarta ka kharaar in soomaaliya ciddii doontaa goortay rabto iyo goobtay rabto iska soo gasho goortay rabtana ka baxdo , laakiinse qabsashada iyo soo galitaanka ciimada kenya ee somaliya ,gaar ahaan gobolka jubbada hoose waxay kaga sii kharaar tahay arrimahaan soo socda:

1.ineysan Kenya cidna fasax weydiisan markay ciidamadeedu gudaha usoo galayeen ciidda somaliya, dowladii taagta darnayd ee DKMS ee waqtigii shariifka iyo c/weliba xitaa allaha ka dhigee.

2.ineysan Kenya dowlada federaalka ee socod-baradkaa ee madxweyne Xasan shiikh aysan aqoonsaneyn  xafladii caleema-saarkiisana ay ahayd tan kaliya ee ka maqneyd dowladaha deriska ah, waxaana taas markhaati ka ah wefdigii dowlada federaalka ee garoonka kismaayo laga soo ceshay.

3.iney Kenya si qaawan oon geed loogu soo gaban u rabto iney boobto xuduudaha dhanka badda ee ay somaliya la leedahay iyo kheyraadka ku jiraba .

4.iney Kenya la safan tahay qabiil gooniya oo ka mid ah qabiilada somaliyeed ee dega j\hoose aysana dhexdhexaad ka ahayn maamul u sameynta gobolka .

5.iney Kenya marnaba rabin in somaliya markale cagaheeda isku taagto ,iyadoo kenya ka welwelsan haddii maalka iyo hantida soomaaliyeed ee wadankeeda yaala lagala baxo ,amase dilaaliinta caalamigaa ee wadankeeda fadhiyaa ay soomaaliya usoo guuraan ay kenya soo wajaheyso dhaqaale xumo iyo jahwareer siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba.

Yaa iska leh eedda oo kismaayo beylah ka dhigay?

1. Kooxo diimeedyada ay ugu horreyso Kooxda ALshabaab oo dhibka soomaaliya heysta iyagu meel aad u fog gaarsiiyey sababna u noqday in somaliya adduunku isugu habar-wacdo oo ay firimbo amase jaras leysu  yeersho markii adduunku qaati ka istaagay kooxdaan waalan: qaraxyadooda , qafaalashadooda , qoor-goyntooda iyo qalalaasahoodaba , iyagoo ka been sheegaya diinta islaamka ee xarimtay intaas oo dhan iyo in kabadan oo ay kula kacayaan adduunweynaha guud ahaan iyo dadkii iyo dalkii ay u dhasheen ee soomaaliya ,iyagoo madax -jabin iyo mooro-duug isugu daray umadda somaliyeed , gaar ahaan intooda biri ma – geydada ah  sida :culimada , ardeyda cuqaasha , wax garadka iyo ruux kasta oo fikirkooda TAKFIIRIGA (gaaleysiinta) ahba diidan.

2.Dowladii hore ee ku meelgaarka iyo tan federaalka ee hadda jirta oon hayn qorshe iyo qaab ay u waajahaan arrintaan ,tallaabadii dhanka j\hoose u qaadaana ay tahay uun mid sii holcineysa wadciga jira .

3.Dadkii gobolkan u dhashay ee haddana ku dhashay oo aano  iyo aafo qabiil la dhex dhigay towfiiqdii iyo taladiina ka luntay oo marba dhankii la rabo loosii dhaafo loona soo dhaafo, xulafeysi iyo xeelado kalena isugu maqan halkii ay gobolkooda iyo guryahooda ka difaacan lahaayeen.

Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com
Almelo,Netherlands

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Somali News
cabdirashid

Faroole oo iska laaluushay Gudoomiyihiisa Baarlamaanka si uu u meel mariyo rabitaankiisa

Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee C/raxmaan Faroole ayaa ...
Shoole

C/risaaq Shoole oo iska casilay xubin ka ahaanshaha Guddiga doorashada Faroole.

C/risaaq Shoole oo ka mid ahaa dhawr ...
Afwaliinje-iyo-Faroole

Faroole iyo Qadaafi oo Arimo badan isaga mid ah (Warbixin)

Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ...
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
Laascaanood00

Mucaaradka oo ku shiray Gaalkacyo diidayna codsiga ka yimid Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Faroole

Hotelka Classic ee magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ...
News in English
Saacid-iyo-faroole-16

POLITICKING IN PUNTLAND.

Recently we have seen the visit to ...
13708_512015038831636_1393716994_n

ELECTION IN PUNTLAND

On the 19th February 2013 there was ...
Afwaliinje

PUNTLAND: AN ILLUSION TO DEMOCRACY

We have recently seen visits to Puntland ...
GAlkayo-300x220

PUNTLAND: THE GOOD THE BAD AND THE UGLY

The GOOD: The Good are those people and ...
faroole-500x331

Farole set on destroying Puntland

Today a further 300 soldiers are ...