Dadku waa qof hantidiisii la heesto iyo qofkii lahaa oo banaanka ka joogo. Soomaalina waxey dooneeysaa in nabad la helo iyadoo aan la xalin ama aan la isku celin wixii hanti ah ee lakala heesto.
Waxaan ognahay in shirar badan la qabtay oo dabadeedna lagu soo doortay dawlad, dabadeedna lagu soo gabagabeeyay Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsanaada iyo Hala Is Cafiyo. Dabadeedna London, Toronto, Minneapolis, Copenhagen, Nairobi iyo magaalooyin aad u badan ayaa jaaliyada dibaduna ay billaabaann in la dhigo xaflado lagu taageerayo dawladaa dhalatay.
Dawlad baa dhalatay, wey fashilantay. Haddana dawlad baa dhalatay, oo waxaa xigtay way socon weyday. Oo Maxay u fashilantay? La isma weydiiyo; dadka siyaasiyiinta maanta sheegtaana ma eegaan kii ka horeeyay wixii uu ku fashilmay, laakiin wuxuu ku celiyaa qaladkii kuwii ka horreeyay ay sameeyeen.
Soomaaliya wey kala xir xirantahay oo qof walba meel buu xirtay oo uu rabaa in uu ku bad baado ama siyaasada ahaan uu ku gorgortamo; Puntland, Soomaali land and, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Hiiraan, Banadir, Jubbaland iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxaa meesha ka baxay midnimadii ummada ka dhaxeesay. Dagaaladii qabiika ka dhacay dalka awgeedna, waxaa adkaatay in si fudud ay ku soo noqoto is aaminaadii dadka ka dhaxeesay.
Hantida ugu badaneen ee ummada laga dhacay waxey ku yaalaan Muqdisho oo illaa maantana la heestaa. Waxaan mar marka qaarkood maqalnaa iyada oo la leeyahay qof hoggaamiye dalka ka ahaan jiray ama layaqaan ayaa gurigiisii loo soo celiyay. Hadaanse isweydiino imisa qof oo aan awood laheen oo miskiin ah ayaa hantidiisii la heestaa oo haday noqon laheed beer iyo gurriba la manaafacaadsanayaa.
Gabagabadii, Dib u heshiisiin sideedaba waxey ka bilaabataa in wixii hanti ah iyo dhulka ee la kala heesto in la isku ciliyo, dabadeedna laga hadlo cid walba wixii dhib ah ee loo geestay, laakiin Soomaaliya lama abaarin meeshii loo baahnaa. Ilaa taa la gartana xalka waxa uu noqonayaa mid aan lagaareen oo sidaa hadeer ay tahay iyo si kadaran ay sii noqoto.
Faisal Ahmed
ahsal456@gmail.com
Thanks waxan ahay wadani somaliyed ku dhashay caasimadisa waxan jiray 8 sano danbi kama galin aniga dhaman familkeyga waxba anago aan galabsanin ayaa nalaga saray meshi aan ku dhashay waxaa cararayay ilaa xadka kenya anoo wax danbi ah galin waxan waayay qayb ka mid ah familkeyga waxan waayay wax barasho biyo nadif ah waxaa ilaa hada la hesta guryahenii wali nalooma sameyn malin Dead Day oo la xuso oo lagu rali galiyo dadki somaliyed ee dhibta & xasuqa loogu geestay muqdisho 91 iyo in la siiyo mag dhow buuxda dadkas.