
Shacabka reer Puntland ayaa mudooyinkii dheer ku wareersanaa warar ay qoraan qaar ka mid ah Websiyadda Puntland, kuwaasi oo dadka reer Puntland aad ula yaabeen.
PUNTLANDPRESS.NET ayaa waxaa goordhaweyd soo gaaray Warqad Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane. Cabdisamad Cali Shire uu u qoray Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland, taasi oo soo baxday 25-Dec-2012 tixraac ah MWK/DPS/762/2012.
Warqadaasi ayaa Madaxweyne ku xigeenka waxa uu wasaaradda Maaliyadda uga codsanayey in la siiyo mushaar qaar ka mid ah warbaahin u shaqeysa dowladda kuwaas oo qoraalka lagu sheegay in ay kala ah Puntlandpost,Puntlandi iyo Idaacadda Radio Garowe.
CADEYN WARQADDA UU MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND CABDISAMAD CALI SHIRE U QORAY WASAARADDA MAALIYADDA EE PUNTLAND

Arintaani ay waxa ay noqneysaa fadeexad weyn oo u soo hoyatay warbaahintaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay qorayey warar been abuur ah oo aysan shacabka Puntland jecleysan, waxaan jeclahay in aan shacabka fahansiiyo cida leh warbaahintaan Mushaarka ka qaata dowladda iyo weliba Ujeedooyinka loo furay aniga oo mid mid u kala qaadaya.

Khadar Farole
Yaa leh Puntlandi
websitekaan waxa uu hawadda soo galay August 06, 2009 kaasi oo ay soo geliyeen Koox lagu sheegay magacooda Puntland media Center (PUNTLAND590) oo degan Denmark, Copenhagen V, 1560, waxaasi wararka Puntlandpress.net helayso ay sheegaan in websitekaan uu leeyahay Wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland oo lagu magacaabo Khadar Cabdiraxman Faroole, balse ku diiwaan geliyey webka magaca ah Puntland media Center (PUNTLAND590) si uu dadka u maran habaabiyo. Xogta Puntlandi halkaan riix.
Waxa ayna qeyb ka tahay dadaalka wiilasha uu dhalay Faroole ay ugu jiraan in shacabka ku maran habaabiyaan websityo aan dadka qeybtooda moodi karin in ay leeyihiin, maadama ay fashil noqtay Idaacadoodii oo dadka ay dhageysan waayeen, ayaa keentay in ay websiteyo furtaan.
Yaa leh websitka Puntlandpost

Farah Issa
Websiteka kale ee loo qoray lacagta ayaa lagu magaacaaba Puntlandpost.com websitekaan ayaa ka mid ahaa kuwii ugu horeyay ee hawadda soo galay isaga oo si rasmi ah December 10, 2001 uu u shaqo bilaabay, Waxaa websiteka Puntlandpost uu soo maray marxalado kala duwan.
Ninkii ugu horeyay ee lahaa ayaa la oran jiray Aadan C/raxmaan Cali (Doolar) kaas oo hadda ka mid ah Golaha AARAN JAAN ee la shaqeeya Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole, hasse yeeshe waxaa markii dambe la wareegay nin ay ehel yihiin oo lagu magacaabo Faarax Ciise Saciid oo degan qurbaha.
Faarax Ciise ayaa waxaa seedi u ah Wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland, waxa uuna ka mid yahay websitkiisa kuwa dowladda Puntland ka qaata Mushaarka sida qoraalka Madaxweyne ku xigeenka ku cad. Faahfaahin dheeraad ah halkaan riix.
Yaa leh Garoweonline
Waa Idaacad FM ah oo ku taal magaaladda Garowe waxaana websiteka garoweonline hawadda la soo geliyey 08-feb-2005 kaasi oo uu leeyahay Maxamed Cabdiraxman Faroole oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Faroole. Xog dheeraad ah Halkaan riix.

Maxamed Faroole
Kani wararkiisa ma ahan kuwa xalaal ah oo runta ka sheegaya waxa ka jira Puntland waayo waa Idaacadda keliya oo ay dowladda leedahay, dhawaan July-2011 waxaa markii uu ka gubtay qalabkii Idaacadda, waxaa lagu wareejiyey Idaacadda FM ah oo dowladda Federalka SEPTEMBER 22, 2010 ugu deeqday Puntland, taasi oo keentay markii dambe khilaaf soo kala dhexgalay Wiilka Madaxweynaha iyo wasaaradda warfaafinta.
Waxaan dareemayaa in Shacabka Puntland ay hadda wixii ka dambeeya aysan ku wareeri doonon wararka beenta iyo buun buunta ah oo ay qoraan warbaahinta ay leedahay Xukumadda Faroole kuwaas oo Mushaarka ka qaadata Xukumadda wakhtigeeda dhacayo ee Cabdiraxman Faroole iyo Cabdisamad Cali Shire ay ka yihiin hormuudka.
Dhibtaada Maamulka ka haysta arimaha Saxaafadda
Markii aan maqlay in Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka warfaafinta Puntland isla markaana xilka Wasiirka loo dhaariyey September 17, 2012 waxa ay igu noqtay arin aan aad ula yaabay, sababtoo ah aqoon fiican ayaa u leeyahay Maxamuud Caydiid Dirir, waayo ma ahan nin dhaqan iyo diin wanaagsan.
Maxamuud markii ugu dambeysay waxa uu ka tirsanaa Maleshiyadda Kooxda Khaatumo, waxa uuna wasiirnimadda ku helay ka dib markii uu Maamulka Farole ku soo wareejiyey 30 wiil oo u dhashay Beesha Dhulbaante iyo 2 gaari oo mid ka mid ah uu saaran yahay qori.

September 17, 2012 Maxamuud Caydiid oo loo dhaarinayo Xilka Wasiirka Warfaafinta
Wasiirka runtii kama uusan soo bixin kitaabkii uu ugu dhaartay Shacabka Puntland, balse waxaa Sidii Micrphone oo kale u isticmaalay Curadka Madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxman oo mar walba waxa uu u soo qoro la yimi meelaha.
Dad ay aad isugu dhow yihiin mudooyinkaan dambe ayaa ii sheegay in Maxamuud Caydiid uu meesha u joogo keliya in uu fuliyo amarka uu soo saaro wiilka Madaxweynaha ee isaga uusan laheyn go’aan iyo tallo midna.
Dhowr jeer waxa uu saxaafadda ka caayey dad magac iyo sharaf ku leh Umadda Puntland, runtiina isaga ma aheyn qofka hadlayey ee waxaa ka dhex hadlayey wiilka uu dhalay Faroole.
Puntland waxa ay noqtay meel qof walba uu sida uu doono yeelo, sida la ogyahay Wasiirka Warfaafinta ma aheyn nin soo maray Waxbarsho Jaamacadeed ama mid Dugsi hoose dhexe , isla markaana weligii Saxaafadda kama uusan soo shaqeeyay balse waxa uu 2 jeer wareysi siiyey Idaacadda BBCda mar uu joogay dalka Koonfur Afrika halkaasi oo uu ka shaqeyn jiray Dukaan uu lahaa nin ganacsade ah oo lagu Magacaabo Nuuradiin Yaxye oo u dhashay Goboladda Puntland.

Faroole iyo Wiilkiisa miyaan loo sheegin in Puntland tahay maamu goboleed Qabiil isku darsadeen
Meesha wasiir uu ka yahay Maxamuud Caydiid waa meel ay ku ba’day Saxaafad, halka Puntlandpost,Puntlandi iyo Radio Garowena ay Madaxtooyadda ka joogaan waxaa ku sugan tahay Puntland mid khatar ah oo looga cabsi qabo in ay ka dhacdo xasuuqii ay saxaafadda ka qeyb qaadtay ee Rwanda sanadkii 1994tii, Inkastoo Puntland ay tahay Qabiilo hubeysan ayaa haddana aysan dhici karin in cid xoog loo sheegto. Halkan ka Akhriso Xasuuqii Rwanda 1994., taasi oo keentay in dad badan ay ku dhintaan oo lagu qiyaasay in ay ahaayeen kumanaan kun markii ay Saxaafadda dalkaasi ka qeyb qaateen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Rwanda, taasi oo maantay sida muuqta warbaahinta Mushaarka aysan waxba ka duwneyn maadama ay hormuud ka yihiin bur burinta Shacabka Puntland.
Ugu dambeyntii waxaa u soo jeedinayaa Saxaafadda dowladda Mushaarka ka qaadta in aysan sharafta Saxaafadda meel uga dhicin isla markaana ay ka waantoobaan waxyaabaha ay ku dhex jiraan, ogaadaan in qof walba dhibka uu geysto,beenta uu sheego ay tahay mid aduun iyo akhiro aan looga hari doonin.

Hussein Ahmed Ali
Hussein Ahmed Ali
Editor of Puntlandpress
Galkacyo,Puntland
Si aad u hesho wararkii Ugu dambeeyay ee Puntland Soo Booqo
Www.Puntlandpress.net (WARAR XAQIIQO IYO DHEXDHEXAAD)
Thanks arintan wanku warer sanaa waxa ku dhaliyay websiteyadan in dadka puntland darenkoda marin hababiyan ilen waa dad la gatay o lacago qaata idinkuna iska ilaaliya haku birinina dadkina & dalkina u shaqeya thanks
hadda ka dambe waana la i marin habaabin ku bartay Garoweonlie puntlandpost iyo puntlandi
Dadkaan ha laga fiirsado, baarisna halgu sameeyo, maxaa jira khatar ayey ku yihiin jiritaanka Puntland
Puntland Press, http://dhoodimeernews.com/ iyo laba kale they seems to they ok.
We need to do more research then past, We get now, who is he??????
Ahmed Nou
Dadkaan ha laga fiirsado, baarisna halgu sameeyo, maxaa jira khatar ayey ku yihiin jiritaanka Puntland
Puntland Press, http://dhoodimeernews.com/ iyo laba kale they seems to me they are ok.
We need to do more research then past, We get now, who is he??????
Ahmed Nou
Haddi (Weerka laga dhigo Qaadi-ama-Xaakin Adhi Xaq maleh
taniwaa waa ceebayntii iyo aflagaadhidii lagu yiqiin diradiroolayaasha sheegta puntlandpriss, waa yaabe miyeysan ogeyn in ugmaddu baratay Beentooda doqonimada ah
SCWW WAAD MAHAD SAN TIHIIN PUNTILANDPREES ANUU AWALBA WAAN OGAA RADIA GAROOWE IYO PUNTILAND POST IN AY LAA LUUSH KU SHA QEE YAAN WAXAA KAWAALAN QOFKII BOOQDA IN AY JIRAAN IYO INKALE MABA XASUUSTO SABAB TOO AH WAB DHAN OO MAGACAYAGI WATA OO LA LEE YAHAY INA FAROOLE YAHUUDI BAALEH WAAN OGAA REER KHAAN SIIR IN AY YAN ILAAH IYO ISLAAM AQOON SIDAA DARAA DEED WAA IN LAYSKA OGAADO INSHA ALLAAH MAANTA WALLAAKA SOO DIYAAR SHAY WEBKAAN THANKS HADA KADIB BOOQDA PUNTILANDPREES IYO HORSEED MEDIA PUNTILAND24 NEWS WAA WEBABKA XAQIIQADA LOOGU TAGO RABI GARAB KIIN HAGALO AAMIIN 300 OO DOLLAR HAKU IIB SANINA WADAN KIINA
Hussen Ahme Ali,aad ayaan ugu farax-sanahay Xogtaan aad ka soo Qortaay Gooxda isku bahaaysatay Xaqdarada,Bahdilka,jirdilka,Caburinta,Aqoonyahanka iyo waaxgadka Puntland?Waxaana kuu Balan qaadayaa inaan ku soo siiyo Xogo badan oo aan ka Ururinaayo Wadamada Australia iyo Djabouti Aadna ku Farxidoonta Idam Ilaah,Jab iyo Naasabeelna U ah Faroole iyo Wiilkiisa Saif
acww,
Waayaabe dadka Puntland ma waxaad u malayseen kuwo been loo sheegi karo, raga qora Puntlandpost, Puntlandi waaba naqaan dadka qora iyo meesha ay joogaan iyo aqoonta ay leeyihiin.
Puntlandpost iyo Puntlandi waa kuwa aan ku diirsano oo jecel wanaaga deegaanada Puntland, adeerayaal niman jiran ayaad tihiine dadka aqoonyahanka waraaqo Copy ah oo Foojari ah ha u soo bandhigina.
Waxaan umalaynayaa in OOKIYAALE khaldan oo aan Cabirkaaga ahayn inuu kuugu jiro ee Mid Cabirkaaga ah soo gasho. Wanaaga Puntland-na kaa qariyey.
Viva Puntlandpost & Puntlandi u adeegayaasha shacabka iyo deegaanada Puntland ayaan u aaminsanahay illaahay Puntland ha dhowro , kuwa xumafalaasha ahna illaahay haka qabto Aamiin.
Adiga soo qoray beentaanhorseedmedia, pN24 waxaa idin ka shaqeeynay oo dabadda idinka fuula raggaas, waxaad tahay BAASTAR.
Eye midaan beenaale doofaar khaniis ah baad tahay.
War qiiradii baa naga badatay markaasa meeshii aan ku aragno mgaca puntland iska daba ordeynaa horta faroole caqli iyo caaqibo maleh ciyaalkiisana waxay jilaayaan filimkii maslax maxamed siyaad bare maba oga in meesha ay tahay qabiilo wax isku darsaday yaab iyo amakaag kaaga daran kuligoo faruurtii odagey leeyihiin looool
Mid kale ayaa jirta websidekale ayaa jira soona qoro warar lagu wareero waxaana maqlay inuu leeyahay wiilka faroole arintaana ma la soo hubiyo ayadana hadba waxbuu qoraa si an loo fahmin http://www.allpunttland.com asna waxaa leh wiilasha faroole