
Dhalinyarradda Reer Puntland ayaa soo saaray Eray bixin cusub oo aan Horay uga jirin gayiga Soomaaliddu dagto , Dhalinyarradda Ku dhaqan Dalka Soomaaliya ayaa inta badan waqtiyadda Firaaqadda isugu yimaadda goobaha Shaah cabka ee Soomaaliya looga yaqaan BIIBITO / BAAR waxayna dhalinyarraddu halkaas ku qabtaan Dooddo kala duwan waxa ay u badan yihin ka faalloonta Cayaaraha Kubbadda Cagta ee sidda wayn haatan dunnida looga xiiseeyo .
Dhalinyarradda ayaa qaybtood faalleeyaan Siyaasaddaha kala duwan ee dalka Soomaaliya , Dhalinta Reer Puntland ee ku dhaqan Magaallooyinka Maamulka Puntland ayaa haatan aad ugu mashquulsan xaalka Siyaasadda Puntland ee xilligaan .
Dhalinyarradda ayaa dhanka kale dhexdoodda Is xifaaleeya oo ku kaftama Goobaha Shaah cabka ee la isugu yimaaddo Soomaalidduna u taqaan Goob fadhi ku dirir, Haddaba waxay dhalinta Reer Puntland qayb ka mid ahi curiyeen Eray Bixin Cusub oo saamayn ku leh Siyaasadda Puntland , Eray Bixintaas ayaa ah “Hebel Sannad Buu ku darsaday”
Waxay isoo Gaar tahay kolka aan la xiriiray mid ka mid ah Dhalinta reer Puntland ee dal-joogta ah Waxa uu ahaa mid ka mid ah Saaxiibaddayda aan goob kulameedka isku arki jiray Markaan Dal-jooga ahaa , waxa aan ka waraystay asxaab badan oo ay sheekaddu kaaya isugu xirayd Labaddayaddaba ,Saaxiibkay waxa uu igu yiri isaga oo ii xaal waramaaya kolka uu mid dhalinti ka mid ah oo aan waydiiyey xaalkiisa uu ka waxbinaayo “Saaxiib Idiris Ninkaasu Sannad Buu ku darsaday ” .
Ma aannan Fahmin annigu isla markiiba ujeedka ay xambaarsan tahay “Hebel Sannad Buu ku darsaday” balse kama aannan hor dhicin oo waxa aan warsaday Saxiibka aan Khadka Talafoonka kula hadlaayay Waxa uu ninki aan saxiibadda ahayn uu sannadka ku darsaday , Inta aysan Jawaabtu dhanka Saxiibkay ka imaan ayaan anniga oo ku taxan Xaalka Soomaaliya waxaa isla Markaas igu soo dhacay in ay tahay eray bixin dhalinyarreedkaan cusubi mid Siyaasadda Puntland lug ku leh kamase hor dhicin oo waan Sugay Saaxiibka Jawaabtiisa .
“Idiris dee Muddo dalka Ma soo wicin ayaan filayaa oo asxaabti waadba iloowday haddii aysanba ku soo Gaarin Hebel Sannad buu ku darsaday , Boowe waa Oraahda Sannadka oo dhalinyarradda Magaalladda joogtaa goobaha ay isugu yimaaddaan waxaa loogu yeeraa qofka Maalintaas wax ka si yihiin ama laga waayo Barta Kulan dhalinyarreedka Hebla Maqaaxideedi dee mise waad hilmaantay halkaasna , Waxaa ka caan baxday Hebel Sannad buu ku darsaday , Waxaana loola jeeddaa waa kan oday Faroole sannadka ku darsaday wareerkuna ka haysto in uu ku guulaysto marka Hebel waa Fakarayaa oo xaallad addag ayaa la soo gudboonaatay ama waa iskaga dhexyaacday oo meel uu wajaho ma garranaayo ayaa laga waddaa ” Ayuu Saxiibkay si fahansiin leh igu jawaabay .
Waxaan ku hakaday Qosol waanse diiddaana in aan ka dhex galliyo Qosolka inta uu sheekadda ii dhamaynaayo Saaxiibku si aan uga bogto , Waase annigi kolki hore ka dib marki aan macnaynta codsaday fahanka saxiibkay ku macneeyey qaatay.
Sheekaddaan ayaa ah mid Magaallooyinka Puntland ugub ku ah waxayna la xiriirtaa Xaalka Siyaasaddeed ee Puntland , Anniga oo Baraha kulan dhalinyarreedka ku taxnaan jiray kolka aan dalka Joogay ayaysan dhalinyarradda aan jaalka ku ahayn faallaynta iyo xilaaftanka aysan ka soo bixi jirin inta hadan eray bixino Cusub ee ah kuwa loo yaqaano Erayo dhalinyareedka kuwo Siyaasadda la xiriira waxayna u badnaayeen Eray bixintu dhanka Cayaaraha Kubadda Cagta ee Dhalinta Aduunka Baddankeeddu aad u xiisayso .
Xaalka Siyaasaaddeed Ee Puntland waxaa haatan aad uga qayb qaadanaaya Boggag Soomaaliyeedka , Abwaanadda , Erayo Cusub Curiyayaasha , Waxayna la kala safan yihiin labbadda dhinac ee isku haya Siyaasadda Puntland , “Hebel Sannad Buu ku darsaday” Ayaa ka qayb noqonaysa Eraybixinadda saamaynta ku leh siyaasadda Puntland , Dhalinyaraddaan iyagu eray bixinta Sameeyey ayaan u arkaa fahankayga in ay dhanka Mucaaradka la safan yihiin Maddaama ay sannad ku darsashadda madaxwayne Faroole ku ka dhigeen mid loogu hadal qabsaddo qofka Xaalku Maalintaas ku adag yahay .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Idiris iyo inta Dimuqraadiyadda u Ololaaysa,waxaan leeyahay guulaaysata taariikhda ayaana idin xusi doonta,qooqaaga inta xaaraanta isku bahaaysatayna waaynoo 8j nin walbana awrkiisa ayaa qaadaya,ninkii rag ugu liitaay hadduuba dad u hanjabaayo la arki doonee,caasimaddiina dadka ka sheegtaay waa lala xisaabtamayaa.
“Maxaa kala Haaysta Puntland iyo Maamulkii Aaran jaan”Aaran jaan waxaan Hubnaa inaay Caleentoodii Cirka ka soo dhacdaay,Nimaan kuu nixin looma Naxo????