Wararka laga hellayo xerada Qaxootiga Soomaalida ee Ifo gobollka W/bari dalka Kenya, ayaa sheegay in xalay uu dab qabsaday gudaha xerada gaar ahaan goobo ganacsi oo ay lahaayeen Qaxootiga Soomaalida.
Dabkan oo sida goob joogaal shegeen socday mudo hal saac oo xiriir ah ayaa markii danbe lagu guuleystay in la damiyo, kadib markii ay ku soo xoomeen dadka xerada oo intooda badan halkaa ku lahaa goobo ganacsi .
Qof ka mid ah dadka goobaha ganacsiga ku leh goobta uu dabku qabsaday ayaa sheegay in mudadii uu dabku socday uu geystay khasaare hantiyeed, waxaana ku basbeelay ayuu yiri tiro goobo ganacsi ah.
Ilaa iyo hadda ma jiro tirkoob rasmi ah oo la xiriira khasaaraha uu sababay dabka, hasse ahaatee waxaa ay hadda ganacsatadu wadaan sidii ay ogaan lahaayeen khasaaraha uu dabku geystay.
Xafiiska Wararka
Puntlandpress