
Abshir Booyaax
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Puntland oo magaciisa diiday in saxaafadda laga sheego sababo ayaa sheegay in xabsiga weyn ee bosaso laga sii daayey Abshir Booyaax, haatana uu ku sugan yahay xarunta Madaxtooyadda ee Puntland.
Sarkaalka ayaa sheegay in ay xabsiga yimaadeen Ciidamo uu wato wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland kaasi oo lagu magacaabo Khadar afweyne isla markaana uu xabsiga ka sii daayey Booyaax.
Booyaax waa nin Ceynkee ah?
Abshir BOOYAAX ayaa ahaa hogaamiyihii burcad badeeda EYL waxaana uu ninkan caan ka noqday saxaafada caalamka ka dib markii uu wareysiyo ku saabsan noloshiisa burcad badeednimada siiyey wargeysyo iyo wakaalado warar oo caalamka ka socda.
Sanadkii 2009 bilawgiisii ayaa wariye ka tirsan wargeyska NEW YORK TIMES waxaa uu Mr Booyaax kula kulmay bartamaha magaalada Garowe, weliba meel sii aad ah ugu dhow xarunta madaxtooyada. Wuxuuna Mr Booyaax oo degaan ahaan ka soo jeeda gobolka Nugaal uu u sheegay wariyaha inuusan wax cabsi ah ka qabin maamulka Puntland inuu xiro, taasi oo ceeb iyo fadeexad ku noqotay dowlada Puntland.
Sheekada xiisaha leh ee ay wargeyska New York Tines uu qoray ayaa ahayd in Booyaax iyo wariyaha uu isku xiray oo uu isbaray Maxamed C/raxmaan oo ah wiil uu dhalay madaxweyne C/raxmaan Faroole.
Dhamaadkii Sanadkii 2009, Booyaax wuxuu ka mid noqday koox burcad badeed oo illaa 200 gaaraya oo ku dhawaaqday inay isaga bexeen hawlaha burcad badeednimada ka dib markii wacyigelin ay u sameeyeen culimada reer Garowe oo booqasho ku tegey Eyl, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in Booyaax uusan marnaba ka tanaasulin shaqadii uu hayey.
Booliska Puntland ayaa sidoo kale sanadkii hore xiray nin la dhashay Booyaax oolisaguna lagu magacaabo ‘Booyaaxa yar’ kasi oo haatan ku jira xabsiga Boosaaso.
Intii uu Booyaax fariisinka ku lahaa degmada Eyl, waxaa uu madax furasho ka qaatay in ka badan 25 markab oo uu gacantiisa ku afduubay, sida uu hadda ka hor sheegay.
Wixii ku soo kordhaa kala soco Puntlandpress
kkkkkkk ma dhaqaa laa kalay faroole iyo caruurtiisa BOOYAX BURCAD BADEED WAA CAJIIB TOOGO TUUGO DHASHAY
KAAFIRIIN ALLE KAFURATAY OO BEEN BADAN BAADTIHIIN WAXAAD MUDANTIHIIN DIL
waa family tuugo wada ah, waxa jira interview cnn laga sidayay 2009ki ee kuwada jiran abshir boyah iyo maxamed farole. interviewgasi waxa urkeysa abshir boyah madaxtoyada latan maxamed farole interviewga isago koban wakan hada radisan interview oo dhan waa heleysan.
http://www.youtube.com/watch?v=z6CofC_cd7s
faroole kursiga uu ku fadhiyo waxaa fariisiyey Booyax marka faroole iyo waa isku mid wxaxn aamin sanahay inaysan wax kula duwanayn